Waa Shirkadda Midowga Horumarinta Biyaha Soomaaliya

Waa Dhibac Biyo ah oo dhaxda uga qoran tahay xarafka (S) oo loola jeedo biyaha Soomaaliya.

Waa shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay (privet) oo ka shaqeysa biyaha iyo wixii laxiriira, sida qodista ceelasha, warooyinka, kanaalada, biyo qeybinta iyo horumarinta biyaha oo dhan.

Waa caasimadda muqdisho waxeyna xarumo kale ku leedahay Gobollada dalka qaarkood

Shirkaddu waxa ay soomartay heerar kala duwan waxa ayna ku bilaabatay isxilqaan shaqsiyadeed kadib markii bulshada Soomaaliyeed ay soo wajahday biyo la’aan 1991, kadibna shaqsiyaadkaas waxay uguureen in maskaxdooda, maalkooda iyo shaqadooda ay ku mideeyaan shirkaddaan.

Shirkaddaan waxaa aasaasay raggii lahaa fikraddii iyo dhaqaalihii lagu aasaasay waana ganacsato Soomaaliyeed oo aqoon kala duwan xanbaarsan kuna hawlan biyo siinta umadda Soomaaliyeed haddana ku hawlan in ay sii horumariyaan biyaha dalka.

Shirkadu waxay horumarineysaa Biyaha sida:- qodista Ceelasha, Waraha, Togogga, Baraagaha, Wabiyada, Ilaha-durdura, iyo biyo gelinta dalka , Si’ dadka, Duunyada, Dalaga iyo warshaduhuba ay u helaan Biyo taya leh oo  ku filan.

In maamul midaysan loo helo biyaha dalka. In biyo yarida ka jirta gobollada iyo dagmooyinka qaarkood wax laga qabto. In laga gudbo Biyaha la heli karo qaarkood aan nadiif ahayn. In Biyaha qaabka loo isticmaalo la hagaajiyo. In aan ka faa’iideysanno biyaha eebbe nagu galadeystay, maadaama markii laga faa’iideysan waayey ay sababeen daadad barakiciya bulshada Soomaaliyeed, wadooyinkana xira. In la Horumariyo Adeegga Bulshada aan horay ugu heyney. In la tayeeyo biyaha dalka, loona fududeeyo Bulshada adeegsigooda. In looga faa’iideyo Bulshada Soomaaliyeed biyaha dabiiciga ah sida Wabiyada, Waraha, ilaha-durdura, Waadiyada (Togogga), Baraagaha iyo baddaba haddii loo baahdo. In la keeno qalabkasta oo sahlaya in biyo nadiif ah lahelo. In loo abuuro bulshada Soomaaliyeed mashaariic ay maalgashataan. In shaqo loo abuurto bulshada soomaaliyeed. In la wacyi geliyo bulshada Soomaaliyeed si ey uga faa’iideystaan biyaha Eebbe ku galladeystay. In kor loo qaaddo Aqoonta Howl-wadeennada Adeegga Biyaha.

Shirkaddu waxa ay garrawsatay:- Khayraadka Dhulka Dushiisa iyo Gudihiisa Ceegaaga inuu yahay deeq Allaah ku manadestay Dadka iyo Dalka soomaaliyeed, ahna hanti Qaran oo umadda ka dhexeysa. In waajib uu ka saaranyahay ilaalinta Khayraadka dalka una isticmaaleyso Qaab sharciga waafaqsan. In ay Biyuhu yihiin astaanta koowaad ee nolosha ayna shirkaddu ka qeyb qaadan doonto ka haqabtirida Umadda Soomaaliyeed. In ay shirkaddu xaq uleedahay maalgashiga dalka maadaama ay kasoo qeyb qaadatay horumarinta dalka haddana ay ku hawlantahay.

Waa biyo siinta meelaha biyo la’aanta ka jirta ee dalka iyo hagaajinta biyaha gobollada sida Caasimadda Muqdisho I.W.M Waa ka faa’iideysiga biyaha dabiiciga ah oo meel an ku habooneyn ku socda si looga haqabtiro dadka, duunyada, dalaga iyo wax soo saarka.

Shirkaddu waxa ay balan qaadeysaa:- In ay u daneyneyso dadka, duunyada, dalaggaiyo wax soosaarka oo dhan ayadoo iskaashi lasameyneyso dhinacyada ay khuseyso. In ay keeneyso biyo nadiif ah oo shuruudaha Biyaha looga baahanyahay u dhanyihiin. In ay keenayso Biyo Joogto ah oo qiima jaban. In ay wacyi gelin u sameyneyso Bulshada Soomaaliyeed, Maadaama Biyuhu yihiin saldhigga nolosha. In ay bixinayso Xuquuqda Umadda Soomaaliyeed ay ku leedahay una sii marineyso Jihooyinka loogu talagalay. In ay sii kor dhindoonto biyaha deeqda ah ay bixiso. In ay ka qeyb qaadaneyso mideynta bahweynta ku howlan biyaha dalka.

Waa in ay helaan Bulshada Soomaaliyeed Biyo Nadiif ah oo kufilan. Waa in bulshada Soomaaliyeed iyo hantideeda ka badbaadaan biyaha dabiiciga ah sida fatahaadaha. Waa in bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyaa biyaheeda loogana faa’iideeyaa. Waa in bulshada loo soo saaraa ila biyood ka qarsoon.